Maamulka degmada Luuq oo ku baaqay in loo gurmado qoysas danyar ah oo degmada ku nool

0
76

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Luuq ayaa ku baaqay in loo gurmado kumanaan qoys oo ay saamaysay fatahaado ka dhashay roobka El Nino.

Roob saacado badan da’ayey ayaa sababay in biyo kusoo rogmadaan gooboha ay deganyihiin dad isugu jira barakacayaal iyo danyar.

Guddoomiyaha maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo Daahir Maxamed Nuur ayaa Dowladda Jubbaland, Dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado dadka ay samaysay fatahaadda El Nino.

Warkan waxaa faah faahinaysa: Sacdiyo Abdulakdir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here