Wasaaradda qorsheynta Galmudug oo Dhuusamareeb ka daahfurtay shir looga hadlayo barakacyasha Galmudug

0
114

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waaxda Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Galmudug ayaa daahfurtay wajiga 3-aad ee Mashruuca Dhisidda Adkeysiga Bulshooyinka Nugul ee ku nool Soomaaliya.

Kulanka oo uu si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Ahmed Ali Mohamed (Cantoobo) ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirada Caafimaadka, Deegaanka, Gargaarka, Gudoomiyaha Caasimada, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, iyo Hay’adaha ku bahoobay Daladda (BRCiS Consortium) oo ay hogaamiso Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC). Mashruuca waxaa maalgeliye dowlada Ingiriiska.

Warkan waxaa faah faahinaya: Ahmed Mohamed Jama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here