Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka socotay howsha hirgelinta golaha deegaanka ee Degmada ayaa waxaa ka warbixiyay halka ay marayso wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo gacanta ku haysa Dhismaha Golaha.War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee wasaaradda ayaa lagu sheegay in la rajaynayao in maalmaha soo socda uu soo gaba-gaboobo dhismaha Goluhu sida u qorshaysan wasaaradda, waxaa warka qoraalka ah wasaaraddu ku sheegtay in hadda ay socoto diiwaan-gelinta Odoyaasha Dhaqanka ee sixiixaya xubnaha kamid noqonaya golaha deegaanka Dhuusamareeb.
‘‘Waxaa si habsimi leh u socda diiwaan galinta Odaayaasha dhaqanka Ee Saxiixayasha ka ah Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dhuusamareb.Diiwaan gelinta Odaayaasha oo socota ayaa Waxaa lafilayaa in lasoo geban gabeeyo maalmaha Soo socda sida uu yahay qorshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-Uheshiinta Dowladda Galmudug’’ ayaa lagu yiri warbixinta ay wasaaraddu ku baahisay boggeeda facebook.Magaalada Dhuusamareeb waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ku aaddan u diyaar-garowga dhismaha golaha Deegaanka iyadoo ay jiraan dad shaaciyay inay u sharaxan-yihiin kuraasta kala duwan ee golaha deegaanka Dhuusamareeb oo gaaraysa 25 Xubnood.
Degmada Cadaado ayaa hore looga dhamaystiray Dhismaha Golaha deegaanka waxaana lagu guda-jiraa Dhismaha golayaashan ee Magaalooyinka Caabud-waaq iyo Dhuusamareeb oo wasaaradda arrimaha gudaha ay soo saartay Shaxta lagu dhisayo.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Cabdidaahir Garaad Cali.