Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Guriceel Gaashaanle Cismaan Cali Hudey oo safar uu uga maqnaa kadib dib ugu soo laabtay Degmada ayaa warbaahinta la wadaagay arrimo ay ugu muhiimsan-yihiin qorshihiisa ku aaddan la dagaallanka Tuudaga dhaca iyo xatooyada xilliyada habeenkii ka gaysta Degmada.Waxaa uu sheegay in Booliiska Guriceel ay fulin doonaan Howl-gallo lagu raadinayo Burcad uu sheegay inay dhacaan dadka.Sidoo kale Taliye Cusmaan ayaa bulshada Degmada Guriceel ugu baaqay inay kusoo war-geliyaan haddii ay arkaan tuugada xilliyada habeenkii dhaca gaysta isaga carrabka ku dhuftay inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay gacanta ku dhigaan Burcaddan.Xilliyada qaarkood waxaa deegaanno ay Guriceel kamid tahay lagu arkaa rag ku hubaysan qoryaha fudud iyo toorreeyo kuwaas oo taleefannada iyo alaabaha kale ee muhiimka ah ka dhaca shacabka waddooyinka maraya inkastoo aanay badnayn.Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS oo khudbad ka jeediyey shirweynaha 11-aad ee Baarlamaannadda Afrika.Shir magaalada muqdisho uga qabsoomay Wasiirada Wasaaradaha Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Heer Federaal & Heer Maamul goboleed oo Warmurtiyeed laga soo saaray.
Warbixintan waxaa soo jeedinaysa-Sacdiyo Cabdulqaadir Yuusuf.