Wasaaradda Qorsheynta Galmudug oo Dhuusamareeb ka furtay shir looga hadlayo horumarinta adeegyada bulshada

0
45

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha(FGS) iyo FMS Soomaaliya ayaa ku qabtay Magalada Dhusamreeb Ee Caasimada Galmudug wadatashi socon doono muddo sadex maalin ah kaasoo laguso bandhigayo dib u eegista Xiliga Dhexe ee Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP-9) laguna cusbuuneysiinayo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha dowladda Galmudug Mudane Abdulaahi Omar Adan ayaa si rasmi ah udaah furay
Wadatashigan oo maanta lala yeeshay Hay’adaha Dowlad-Goboleedka Galmudug , waxaana berri iyo maalinka sadexaadna lala yeelan doono Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ganacsatada si looga la tashto Baahiyaha Hortabinta u leh Dowlad Gobaleedka inta ka Harsan Qorshaha Horumarinta Qaranka QHQ.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here