Kaadhka Cagaaran oo lagu soo darayo Kubada Cagta.

0
117

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddiga Xiriirka Kubadda Cagta Caalamiga, IFAB, oo ah hay’adda dejisa sharciyada ugu caansan ciyaarta adduunka, ayaa ku dhawaaqday inay ansixisay tijaabada kaararka cagaaran.

Sida lagu sheegay xog uu helay wargeyska “Telegraph” ciyaartoyga ayaa si ku meel gaar ah loo ganaaxi doonaa 10 daqiiqo haddii uu qaato kaadhkan inta lagu jiro ciyaaraha.

Kaarka cagaaran waxaa lagu abaalmarin doonaa kiisaska weerarrada lagu qaado garsoorayaasha inta ay ciyaartu socoto.

Arintan ayaa noqon doonta dhacdo ku cusbaan doonta ciyaaraha kubada cagta waana mid la sugayo sida ay uga fal celin doonaan adduunka kubada cagta.

Haatan waxa jira xiddigo la murma garsoorayaasha kubada cagta kuwaas inta badan loo taago kaadhka digniinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here