SuperComputer Oo Saadaaliyay Sida Uu Ku Dhamaanayo Horyaalka Premier League Kadib Todobaadkii 16-aad.

0
62

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Supercomputer ayaa saadaaliyay sida xilli ciyaareedka Premier League uu ku dhamaan doono – waana war u fiican taageerayaasha Arsenal inkastoo laga tuuray hogaanka Premier League.

supercomputer ayaa saadaalin samaysay 100, 000 jeer waxana soo baxday hal natiijo oo kaliya.

Waxa la qiimeeyay dhamaan natiijooyinka xilli ciyaareedkii hore, kulamadii isku diyaarinta iyo waliba xilli ciyaareedkan.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in ay Arsenal horyaalka ku garaaci doonto Man City.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii Arsenal 1/0 looga badiyay Kulankii Aston Villa sidoo kale Man City 2/1 kaga badisay kooxda Luton.

Arsenal ayaa loo saadaaliyay in ay horyaalka ku qaadi doonto 80 dhibcood waana in 4 dhibcood ka yar dhibcihii ay heleen xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool oo haatan hogaaminaysa horyaalka ayaa loo saadaaliyay kaalinta 3-aad halka kooxaha chelsea ayaa loo saadaliyay kaalinta 8-aad halka United loo saadaaliyay kaalinta 9-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here