Liverpool Oo Go’aan Ka Soo Saartay Ka Qayb Galka Tartanka Muranka Dhaliyay

0
37

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Liverpool ayaa ugu dambayn noqotay kooxdii ugu dambaysay ee iska fogaysa tartanka Super League kadib go’aankii maxkamada.

Waxa saacadihii ugu dambeeyay isa soo tarayay kooxaha reer Yurub ama kooxaha premier League ee iska diidayay ka qayb galka tartanka muranka badan dhaliyay.

Inkasta oo ay ka mid ahayd kooxihii aas-aasay tartanka hadana Liverpool ayaa haatan iska fogaysay tartanka.

Bayaan ay Liverpool soo saartay ayaa lagu yidhi”Go’aanka ay soo saartay maxkamada kubada cagta lama macno ah in ay Liverpool ka qayb gali doonto tartanka”.

“Go’aanka Liverpool ee ka qayb galka tartanka wali waa halkiisii kama qayb ahaan doonto wax walba oo dhaca”.

“Waxa aan la shaqayn doonaa xidhiidhka kubada cagta UEFA Iyo waliba kooxaha kale ee ka midka ah xidhiidhkaas sidaas darteed kama qayb ahaan doono tartanka Super league”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here