Xoola dhaqatada degaanada Galmudug oo looga digay isticmaalka dawooyinka qaldan ee Xoolaha.

0
96

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa ee dowlad goboleedka Galmudug mudane Dr Suleyman Mohamed Salah oo ka qeyb galayey Barnaamijka Horumarinta Wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha ee Radio Daar-Dheer ayaa sheegay in ay jiraan xoolo dhaqato badan oo reer Galmudug ah oo dawooyinka xoolaha siqaldan u isticmaala.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug ayaa dhanka kale sheegay iney wasaaraddu degmooyinka Galmudug ka sameysay goobo laga heli karo dawooyinka xoolaha iyo dhaqatiir aqoon durugsan u leh Xanuunada Xoolaha ku dhaca.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here