Barcelona oo garaacday Cadiz & Lewandowski oo laga yaabay.

0
67

Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Barcelona ayaa garaacday kooxda Cadiz kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 5-aad ee xilli ciyaareedka.Kulanka ayaa ahaa mid uu Xavi is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa isaga oo xiddigaha muhiimka ah kaydka dhigay si ay ugu nastaan kulanka Bayern ee champions League.Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin inkasta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican.Tababare Xavi ayaa qaybtii dambe badal sameeyay isaga oo soo galiyay xiddigaha muhiimka ah ee kooxdiisa kaydka ugu jira si ay ciyaarta wax uga badalaan.Kadib badalka Xavi Barcelona ayaa markiiba dareentay is badalka iyaga oo xoojiyay weerarka ay ku qaadayeen kooxda Cadiz.Daqiiqadii 56-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Frenkie De Jong kaas oo hogaanka u dhiibay koodiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.Daqiiqadii 65-aad ayay Barcelona mar kale dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogaaminayso.Iyada oo ciyaartu socoto 82 daqiiqo ayaa la joojiyay kadib markii uu taageere ciyaarta daawanayay wadnuhu istaagay waxana la maqnaa muddo dheer iyada oo xiddiguhu ka bexeen garoonka.Markii ciyaarta dib loo bilaabay ayay Barcelona si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyada oo daqiiqadii 88-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ansu Fati kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.Barcelona ayaa daqiiqadii 90+2-aad dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dembele kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Barcelona ku badisay ciyaar dhinac kaliya ahayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here