Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Muqdisho ayaa Waxa ka ka furmay kulan ay isku yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka iyo mideynta canshuur dalka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dwlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay dooddooda diiradda ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Dhaqaalaha dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, hannaanka sii xoojin kadib barnbarnaamijka Deyn laga cafiyay Soomaaliya ee loo yaqaano HIPC.
Warkan waxaa faah-faahinaysa: Sacdiyo Abdulkadir Yusuf