Warbixin-Maalinta caalamaga ah ee afka hooyo oo maanta dunida laga xusayo.

0
109

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waxaa lagu dhawaaqay Shirweynaha Guud ee Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO) bishii Nofembar 1999.

16kii Maajo 2007 Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay qaraarkiisa A/RES/61/266 wuxuu ugu baaqay Dawladaha xubnaha ka ah “inay horumariyaan ilaalinta dhammaan luqadaha ay isticmaalaan dadyowga adduunku”.

Isla qaraarka, Golaha Guud wuxuu ku dhawaaqay 2008 inuu yahay sanadka caalamiga ah ee luqadaha, si kor loogu qaado midnimada kala duwanaanta iyo fahamka caalamiga ah, iyada oo loo marayo luuqadaha badan iyo dhaqamada kala duwan waxaana loo magacaabay Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay si ay ugu adeegto hoggaanka sanadka.

warbixintaan waxaa soo jeedinaya Wariye-Ahmed Mohamed Jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here