Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kaddib markii walaalo muxsiniin ah ay maalkooda ku deeqeen waxaa daqaba seddexaad maraya dhismaha masjidka Jaamica ah ee degmada Guriceel sida guddiga gacanta ku haya dhismaha masjidku ay sheegeen.
Culimada maamulaysa dhismaha masjidka ayaa waxaa ay ka warbixiyeen waxyaabaha ugu badan ee masjidku u baahanyahay xilligan iyagoo sidoo kalena dadka wanaagga jecel ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhismaha masjidka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali