Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Degmada Dharkeynley kulan Afur ah kula qaatay Maamulka Degmada, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Dhalinyaradda iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
Afurkan oo qeyb ka ah Afur Wadareedyo Maamulka Gobolka Banaadir uu Bishan Barakeysan ee Ramadaan ku qabanaayo qeybaha kala gedisan ee Degmooyinka iyo Deegaanada G/Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska & Nabadsugidda G/Banaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir, Saraakiil kala gedisan iyo marti sharaf kale.
Hamdi Dirie Ali ayaa faah faahineysa.