Dood wadaag ku saabsan doorka dowlad-dhiska bulshada rayidka Galmudug oo Dhuusamareeb lagu qabtay

0
58

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Dood cilmiyeedkan oo looga hadlayay xoojinta iyo taageeridda dowrka bulshada rayidka Galmudug iyo iskaashiga dowladda waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Horncenter oo ka shaqaysa Dowlad wanaagga iyo horumarinta nabadda.

Dooddan oo ay ka qayb-galayeen wasiiro, aqoon-yahanno iyo qaybo kamid ah ururrada bulshada rayidka Galmudug waxaa lagu qabtay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Inta ay dooddan socotay waxaa lagu falaqeeyay xoojinta kaalinta ay bulshada rayidku ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo hannaanka ay tahay in lagu dhiso ururro bulsho oo ka qayb-qaata Dowladnimada.

Abdidahir Garad Ali ayaa warbixintan soo jeedinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here