Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Xilka kala wareegay Wasiirkii hore.

0
34

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)–Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xilka la wareegay, iyada oo uu ku wareejiyey Sii-hayihii ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad).

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ee ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo u gartay in xilkan cusub ugu adeego qaranka, waxaa uu ballanqaaday xoojinta kaalinta Diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya isaga oo intaa raaciyay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo masaalixda kala duwan ee qaranka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamiga ah.

 

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here