Wafdi sare oo ka socday Qarmada midoobay oo Dhuusamareeb booqday.

0
56

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug Mudane Maxamed Ali Cantoobo ayaa  xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kulan miro dhal ah kula qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hogaaminaye Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

Xubnaha wafdiga Qaramada Midoobay waxaa ka mid ahaa wakiilo ka kala socday Xafiiska La-taliyaha Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Xal-u-helida Barakacayaasha Aaduunka, Xafiiska Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Xafiiska UN-Habitat ee Soomaaliya, UNDP, UNICEF, UNHCR iyo IOM.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Libaan Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here