Roob lagu qaboobay oo ka da’ay qaar kamid ah deegaannada Galmudug

0
111

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Roobka Guga ayaa ka curtay deegaanno ka tirsan Galmudug sida Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo subaxnimadii iyo galabnimada khamiista uu ka da’ay roob ay ku qaboobeen dad iyo duunyaba. Sidoo kale deegaanno hoos yimaada Dhuusamareeb waxaa ka da’ay roob lixaad leh.

Degmada Gadoon iyo inta badan deegaannada dhaca bariga iyo koofurta Dhuusamareeb ayaa sidoo kale kamid ah meelaha laga soo sheegay curashada roobka Guga oo baahi wayn loo qabay.

Laga soo billaabo gelinkii dambe maalinnimadii arbacada waxaa hoos u dhacay heer-kulka oo hore u gaaray deegaannada qaar 40 °C taas oo bulshada dareensiisay kulayl saa’id ah, heerkulka waxaa uu maanta hoos u dhacay in ka abadan 15 °C isagoo gaaray 25 °C.

Magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud waxaa lagu qabtay kulan ay isugu bexeen bulshadu si Alle looga baryo roob.

Bulshada Degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galguduud ayaa labo maalmood ka hor helay roob ay ku qaboobeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here