Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Tababar socday muddo Asbuuc kaas oo lagu baranayay habka loo sameeyo warbixinnada, badqabka suxufiga, habka loo qaado wareysiyada, shuruudaha looga baahan yahay qofka wareysiga qaadaya, iyo qodobbo kale ayaa Dhuusomareeb loogu qabtay howlwadeennada Radio Daar-Dheer iyadoona maanta lasoo gabagabeeyay,iyadoona tababarka ay kafaaiidaysteen ilaa 7bo wariye oo soosaara wararka iyo barnaamijyada Radio Daar-Dheer.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Xamdi Diiriye Cali.