Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa qoysas gaaraya 500 oo qoys waxa ay gargaar mucaawino ah ugu qeybisay gudaha xarunta Maamulka Degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
Shacabkaan ayaa hore waxa ay uga soo barakaceen qeybo badan oo kamid ah Gobolka Shabeellada Hoose, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kuwa danyar ah oo laga soo kala xulay xaafadaha Shangaani.
Qeybinta mucaawinadan waxaa goobjog ka ahaa Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf, Guddoomiyaha Degmada Shangaani iyo masuliyiin kale.
Warkan waxaa faah faahinaysa: Hamdi Dirie Ali