Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Shirkan dib uheshiisiinta ee laga daah furay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa ah mid dib uheshiisiin rasmi ah loogu samaynayo beelaha dega degmooyinka Balanbal iyo Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.shirkaan oo ay kaso qayb galeen madaxda dhaqanka beelaha dib uheshiisiinta loosamaynayo ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaarada arimaha gudaha,federaalka iyo dib uheshiisiinta Galmudug iyadoona uu daahfuray madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye”QoorQoor”.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Bashir Mohamed Salad.