Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qaramada Midoobay ayaa 12-ka May u astaysay maalinta caalamiga ah ee caafimaadka dhirta (IDPH) si kor loogu qaado wacyiga caalamiga ah ee ku saabsan sida ilaalinta caafimaadka dhirta ay gacan uga geysan karto joojinta gaajada, yaraynta faqriga, ilaalinta kala duwanaanshaha noolaha iyo deegaanka, iyo kor u qaadida horumarka dhaqaalaha.
UJEEDO: Dhirta caafimaadka qabta waxay aasaas utahay dhammaan nolosha Dunida,iyo sidoo kale hawlaha nidaamka deegaanka, haqab-beelka cuntada iyo nafaqada.
Warbixintan waxaa diyaarisay Hamdi Dirie Ali