Tababbar ku saabsan adeegsiga warbaahinta digitalka ah oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

0
121

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Tababbarkan waxaa soo qaban-qaabiyay Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.

Aqoon kororsigan waxaa qaar kamid ah dhalinyarada warbaahinta ka shaqaysa iyo ardayda jaamacadaha ka barta culuumta technolojiyadda lagu barayay hannaanka loo adeegsado warbaahinta casriga iyo kordhinta xirfaddooda ku aaddan adeegsiga baraha bulshada iyo mareegaha kale ee internet-ka.

Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya mudane Yaxye Xaaji Colaad oo tababbarka furay ayaa waxaa uu ka qayb-galayaasha la wadaagay talooyin muhiim ah oo ka qayb-qaadanaya fududaynta howlahooda warbaahinta.
Agaasimaha ayaa sidoo kale waxaa ka dadka tababbarkan loo qabtay siiyay casharro ku saabsan mowduuca tababbarka.

Dhallinyarada fursadda u helay ka faa’iidaysiga aqoon-kororsigan ayaa dhankooda ka mahad-celiyay waxayna sheegeen inay wax badan ka faa’iideen uuna ahaa tababbarkii ugu horreeyay nuuciisa ee loo qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here