Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxwaynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta waxaa uu gudaha mdaxatooyda ka furay shir-wayne lagu heshiisiinayo beelo kasoo kala jeeda degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale.
Shirkaan oo ballaaran waxaa ka qayb-galaya ergo ka kala socota labada beelood iyo masuuliyiin ka tirsan DFS iyo maamulka Galmudug.
Maalmaha soo socda ayuu shirku kasii socon doonaa Dhuusamareeb waxaana looga wada hadlayaa sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda u dhaxaysa beelahan oo bishaan gudeheeda dagaal xooggan dhex-maray.
Abdifatah Mohamed Ahmed ayaa soo jeedinaya.