Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa inta u dhaxaysa Jiicboor iyo labada Meygaag oo dhaca Galbeedka Gobalka Mudug uga qeyb galay Kulan lagu xoojinayay Nabadda Galbeedka Gobalka Mudug.
Waxaa la’isuguna keenay odayaasha dhaqanka labada dhinac si looga balamo waqtiga ay furmayaan wadahadalada rasmiga ah ee odayaasha, loona xaqiijiyo dhaqangalka qodobadii horey loogu heshiiyay, waxaana shirkaan ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo Puntland, Maamulka heer Gobal iyo heer Degmo ee labada dhinac, odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan.