Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ku dhawaad Ilaa Labaatan Kortoon oo deeq Daawo ah ayaa lagu wareejiyey Maamulka Isbitaalka Degmada Baraawe waxaana loogu tala galay dadka weli la ildaran Cudurka Shuban biyoodka.
Deeqdan ayaa waxa ya ka timid Hay’adda Somalia Community waxaana goobjoog ahaa goobta lagu wareejinaayey Maamulka Degmada Baraawe kan Gobolka iyo madax ka socotey Dowlad Goboleedka KGS
Wakiilka Hay’adda Somali community Mohamed kuluc ayaa ka warbixiya dawada ay gaarsiiyeen isbitaalka degmada Baraawe.
Warkan waxaa faah faahineysa:Sadio Abdulkhadir Yusuf