Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maalinta Cagaarshowga Adduunka, 28 Luulyo, waa fursad lagu dardargelinayo dadaallada heer qaran iyo heer caalami ee ku saabsan cagaarshowga, dhiirigelinta ficillada , ka-qaybgalka shakhsiyaadka, la-hawlgalayaasha iyo dadweynaha iyada oo la muujiyo baahida loo qabo jawaab-celin caalami ah sida lagu qeexay warbixinta cagaarshowga caalamiga ah ee WHO ee 2017 .
Taariikhda 28 Luulyo ayaa la doortay sabab la xirirta dhalashadii saynisyahanka ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize Dr Baruch Blumberg, kaas oo helay fayraska cagaarshow B (HBV) oo sameeyay baaritaan ogaanshaha iyo tallaalka fayraska.