Masuuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland oo kawada hadlay nabad gobolka Mudug.

0
59

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kulankaan oo isugu jiray Soo dhaweyn iyo kala warqaadasho la xariirta halka ay marayaan dadaalada la xariira Nabadeynta Beelaha Colaadu ka dhax jirtay Mudooyinkii u danbeeyay ayaa waxaa magaalada Galkacyo ku yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland

Kulanka oo ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa soo dhaweyn loo sameeyay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Siciid Qoorsheel ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlaanada Galmudug iyo Puntland Masuuliyiin Heer Gobal iyo Heer Dagmo Odayaasha Dhaqanka iyo Xubno ka socday Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Gobalka Mudug ee Galmudug

Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here