Madaxweynaha Galmudug oo xariga kajaray xarunta hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha degmada Balanbale

0
67

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer):-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Axmed Siciid Maxamed ayaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ka xarig jaray dhismaha bar-xuduudeedka Balanbale.

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka ayaa sheegay in dhismahaan maanta la xarig jaray uu qayb ka yahay qorshaha lagu dhisayo bar-xuduudeedyo lagula socdo dhaqdhaqaaqa xuduudaha aan la wadaagno wadamada dariska la ah dalkeena, ujeedka ugu wayn uu yahay in hab sharci ah lagu soo galo dalka lagana taxadaro in siyaabo aan sharci ahayn looga soo gudbo xuduudka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here