Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo xiray Madasha Magan, oo ah madal muhiim ah oo lagu falanqeynayo sida Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed isaga kaashan karaan maalgashiga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan iskaashiga wax ku oolka ah ee ka dhaxeeya dowladda iyo ganacsatada, si loo gaaro horumar waara oo looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Hamdi Diriye Ali