Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Waxgarad kasoo jeeda koofurta degmada Balanballe ee gobolka Galguduud oo kulan ku yeeshay degmada Guriceel ayaa warbaahinta la hadlay waxaa ay baaq banadeed tacsi iyo raalli-gelin u direen bulshada ku dhaqan degmada Balanballe iyo deegaannada hoos taga.
Waxaa ay sheegeen in ayy ka xunyihiin dhacdooyin sida ay xuseen loo gaystay bulshadaas arrimo aanooyin qabiil la xiriira.
Odoyaashu waxaa ay sidoo kale sheegeen inay diyaar uyihiin gogol nabadeed iyo waa hadal lagu dhamaynayo dhibaatada kusoo noqnoqotay deegaanno hoos yimaada degmada Balanbal.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali