Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Deegaanka ceel-duur ee hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa laga dhagax dhigay ceel Biyood ay baahi weyn uqabeen dadka kunool degaankan.
Ceel Biyoodka waxaa hirgalinaya ganacsato degaanka ka soo jeeda oo ku mideysan madal horumarineed.
Guddoomiyaha Degmada baxdo mudane Maxamad cabdulaahi muuse oo ka hadlay dhagax dhiga ceelkan ayaa u mahad celiyey ganacsatada ka soo jawaabtay baahida biyoof ee ay qabeen bulshada degaankan.
dhanka kale qaar kamida bulshada degaanka ceel-duur ayaa dhakooda ka Mahad celiyay ceelkaan deegaanka laga hirgelinayo
Warkan Abdullhi Abdulqadir Nor ayaa faah faahinaya.