Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada dowladda Galmudug Mudane Cabdinuur Macalin Maxamuud ayaa xariga ka jaray xafiiska gobalka mudug ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee magaalada galkacyo ee xarunta gobalka mudug ay ku leedahay wasaaraddu.
waxaa kala qeyb galay xarig-jarka xafiiska oo qeyb ka ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo, gudoomiye ku-xigeenka gobalka mudug, Wasiirka dekedaha, Wasiirka tamarta iyo biyaha, taliyaha qeybta iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Galmudug iyo masuuliyiin kale.
Duqa degmada Gaalkacyo Abdirahman sh xasan ayaa boogaadiyey waxay sheegeen in si weyn loogu baahnaa xafiiska uu na qeyb ka qaadan doono hormarka gobalka mudug.
Warkan waxaa faah faahineyas: Hamdi Diriye Ali