Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Abdirihaman(Beenebeene), oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, Ahmed Ali Mohamed (Cantoobo), iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daahfuray shirka wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran(QIQ: 2025-2029) ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Shirka, oo socon doona afar maalmood, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin isugu jirtay Wasiiro, Agaasimayaal oo ka kala socday wasaaradaha Galmudug iyo maamulada magaalooyinka waaweyn ee kala ah: Dhuusamareeb, Cadaado, Caabud-Waaq iyo Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug.
Warkan waxaa faah faahineyas: Hamdi Diriye Ali