Waa Maxay Qorshaha Mikel Arteta Ee Isbuucaan Kadib Dhaawicii Martin Odegaard ??

0
59

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xilli ciyaareedka Premier League waxa uu galaya afar toddobaad, sidaas oo ay tahayna Arsenal oo u hanqal taageysa hanashada horyaalka ayaa durba wajahaysa tijaabo qeexan.

Arsenal ayaa u safri doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham Axada iyadoo uu ka maqan yahay Declan Rice oo ganaax ku maqan, Mikel Merino oo dhaawacmay iyo kabtan Martin Odegaard, kaasoo dhaawac canqowga ah ka soo gaaray gudashada waajibaadka caalamiga ah Isniintii.

Waa tijaabadii ugu horaysay ee muddo sideed maalmood ah oo aad u adag oo uu mari doono Arteta, isagoo sidoo kale u kala safri doono Atalanta iyo Manchester City waxayna wax u dhimi kartaa xilli ciyaareedka Arsenal.

Arsenal ayaa lagu doodi karaa inay guul gaari karto, xitaa iyadoo ay maqan yihiin seddexda ciyaaryahan ee khadka dhexe, Laakiin sunta la socota Derby-gan ayaa inta badan beddela firfircoonida.

Hadaba Waxaa jira wadooyin badan oo Arteta uu hoos ugu dhici karo.

Hadii ay Arsenal doonayso in ay ka baxdo mudadan halista ah ee siddeeda maalmood ah iyada oo aan wax dhaawac ahi soo gaadhin, waxa lama huraan ah in Arteta uu la yimaado qorsho maskaxeed adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here