Shir looga hadlayay horumarinta cadaalada oo Dhuusamareeb ka furmay.

0
53

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kulankaan ayaa looga hadlayey horumarinta istraatiijiyadda bahda cadaalada waxaana Dhuusamareeb ku qabatay wasaaradda Cadaalada iyo arimaha garsoorka Galmudug.
Cadceed sheikh doon oo ku hadlayey afka ururada bulshada rayadka ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay in qof kasta oo soomaaliyeed helo Cadaalad loo siman yahay.
Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug Cabdi Casiis Nuur Xuseen ayaa sheegay in qorshuhu yahay in qof kasta aragtidiisa ku darsado sida loo horumarin karo cadaalada dalka.
wasiirka Cadaalada Galmudug Abdulahi Ahmed mohamed ayaa ugu danbeyn ka hadlay kulanka.

Warkan waxaa faah faahinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here