Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahaan hawlo shaqo u jooga magalaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xarigga ka jaray suuq-weynaha xoolaha, kaasi oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay xarunta cusub ee Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, taasoo laga hir galin doono xarun casri ah ayna ku shaqeyn doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee maamulka Degmada Gaalkacyo.
Waxaana Munaasabadda xarig jarka iyo tan dhagax dhigga Madaxweynaha ku weheliyay Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan , Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Galmudug.