Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Dalladda Baraarug ayaaa ardayda deegaanka Cabdi-gorod waxa ay dharka Uniform-ka iskuulka u qaybiyeen ardayda wax ka barata iskuulka deegaanka. Masuuliyiin ka socotay dalladda khayriga ah ee Baraarug iyo Dhalinyaro aqoon-yahanno ah ayaa ka qayb-galay furitaanka sanad dugsiyeedka iskuulka deegaanka Cabdi-gorod oo kamida deegaanada hoos taga Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Masuuliyiinta ayaana ardayda horay ugu ballan-qaaday in ay u keeni doonaan dharka iskuulka lagu dhigto ee Uniform-ka.
Warkan waxaa faah faahinaya: liban Mohamed Abdi