Kulan looga hadlayay isku xirka Xuquuqul insaanka iyo tiknoolojiyadda oo Muqdisho lagu qabtay.

0
53

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Shirkan waxaa looga hadlayay isku xirka arrimaha xuquuqda aadanaha, Tiknoolojiyadda iyo hay’adda Dowladda u qaabilsan arrimaha Tiknoolojiyadda. Ujeedka shirku waxaa uu ahaa in la xoojiyo ka shaqaynta xuquuqda aadanaha iyadoo la’adeegsanayo tiknoolojiyadda.

Masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda DFS oo ay wehliyaan agaasinaha hay’adda NERA iyo masuuliyiinta gobolka Banaadir u qaabilsan tiknoolojiyadda ayaa ka qayb-galay shirkan oo ay soo qaban-qaabisay dalladda Ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed–SONSA.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here