Tababar lagu baranayay sida loo tabiyo tacadiyada dadka la heybsooco oo Dhuusamareeb lagu soo xiray.

0
58

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda OMRA oo kaashaneysa howgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya – UNSOM iyo Hay’adda UNICEF Somalia ayaa soo agaasintay Tababar socday muddo 3 maalin ah oo lagu baranayay warbaahinta iyo sameynta sheekooyinka dhijitaalka ah iyadoo diiradda la saarayo soo tebinta tacadiyadda ka dhanka ah dadka la heybsooco, haweenka, naafada iyo caruurta. Ujeedada tababarka ayaa ah in lagu siiyo kasoo qeybgalayaasha xirafadaha muhiimka ah ee sheeko sameynta Dhijitaalka ah si ay cod ugu noqdaan dadka iyo la heyb sooco iyo kuwa la faquuqo.

Tababarka waxaa kasoo qeyb galay 25 qof oo ka kala socday ururada bulshada rayidka ah, xubno ka socday dadka laga tirada badanyahay ama la heybsooco iyo ururka haweenka caasimada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Warkan Abdulahi Abdulkadir Nor ayaa faah faahinaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here