Maamulka Dhuusamareeb oo digniin adag u diray dadka dhulka ku leh Caasimada

0
71

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Caasimadda Galmudug Cabdiraxman Cali Maxamed “Geeda-qorow” oo ay wehliyaan qaar kamid ah Xubnaha Golaha Degaanka Degmada Dhuusamreeb ayaa kormeeray goobaha ay ka socoto shaqada hirgelinta naqshada wadooyinka Caasimada Dhusamareeb.

Gudoomiye Geeda-qorow ayaa ugu baaqay dadka dhulkoodu wadooyinku mareen iney sharciyeystaan inta u hartay waxaana uu sheegay in dhulka aan sharciga laheyn maamulku lawareegayo.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here