Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Deegaanka Olo loo ka tirsan deegaannada hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb eecaasimadda Galmudug waxaa ka furmay wajiga koowaad ee shir nabadyn ah oo lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay deegaanka Laandheer oo u dhexeeya Caabudwaaq iyo Xeraale.
Waxgaradka iyo dhalinyarada kasoo jeeda Dhuusamareeb ayaa gogoshan dhigay waxayna halkaas isugu keeneen waxgaradka labada beelood si loo dhameeyo dagaalkan u dhexeeya dadka walaalaha ah.
Sida ay sheegeen odoyaasha shirkan soo qaban qaabiyay waxaa wax-garadka labada beelood dib ugu laabteen deegaannadooda si’ay wada tashiyo usoo sameeyaan kadibna shirka ayaa sii socon doona.
Ciidanka Booliiska Galmudug gaar ahaan taliska Dhuusaareeb ayaa ka qayb-qaadanaya sugidda ammaanka shirkan inta uu socdo.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali