Wasaaradda Beeraha XFS oo Muqdisho ka daahfuray mashruuca adkeysiga nolosha reer miyiga.

0
35

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda beeraha iyo waraabka XFS ayaa maanta magaalada muqdisho ka furtay mashruuca adkeysiga nolosha reer miiga.
Mashruucaan ayaa dalka ka shaqeyn doona mudo dhan 8 sano ah waxaana laga fulinaya dhamaan dalka sida uu sheegay madaxa mashruucan Ahmed Ilmi.
Wasiirka Xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya Xassan Xuseen Maxamad ayaa sheegay in mashruucan dadka soomaaliyeed waxbadan ka badali doona noloshood.
Mohamed Abdi Xayir Mareeye wasiirka Beeraha soomaaliya ayaa sheegay in Mashruucan u adkeysiga nolosha reer miiga in loogu talagalay in uu gaaro in ka badan sodon kun oo qoys.

Abdulahi Abdulkadir Nor aya soo jeedinaya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here