Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)–Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay wafdi ka socday hay’adaha Turkiga ee AFAD, KIZILAY, oo uu hoggaaminayay Md. Kubilay Ozyurt oo ah Madaxa Isgaarsiinta AFAD.
Gudoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin oo si weyn ugu mahad-celiyay booqashada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada Dowladda iyo Hay’adaha Turkiga ee ku aaddan gargaarka deg-degga ah, sida; bixinta raashinka, agabyada laga sameeyo guryaha, taageerada caafimaadka, tababarrada lagu dhisayo kartida shaqaalaha, agabka kor loogu qaadayo awoodaha hawlgelinta iyo guud ahaan ka dhabeynta hindisayaasha wadajirka ah ee loogu tala galay dadka nugul.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor