Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa ka qeyb galay Xaflad lagu soodhawaynayey ardeyda cusub ee ku soo biirtay jaamacada umada faraceeda Galmudug.
ugu horeyn Madaxda jaamacada ayaa soodhaweyey ardeyda kulana dardaarmay iney ka faa’ideystaan waxbarashada jaamacada ee lacag la’aanta ah.
walidiinta ardeydoodu sanadkaan bilaabeyso waxbarashada jaamacada umada ayaa sheegay iney kalsooni ku qabaan tayada waxbarashada jaamacada.
Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Muxdiin aadan wali ayaa dardaaran u jeediyey ardeyda iyo maamulka iyo macalimiinta jaamacada umada faraceeda Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor