Chelsea oo guul xili danba ka gaartay kooxda Crystal Palace

0
30

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-helsea ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Crystal Palace oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Crystal Palace iyo Chelsea ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.Daqiiqadii 7-aad Crystal Palace ayaa durba la wareegtay hoggaanka ciyaarta iyada oo 1-0 uu ka dhigay Odsonne Édouard, waxana caawinta goolkan lahaa Jordan Ayew.Aubameyang oo ay caawin kaga timid Thiago Silva, ayaa 38 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd wuxuu ka dhigay barbardhac 1-1 ah.90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay xiddigooda Conor Gallagher, kaddib markii uu ka caawiyay Pulisic.Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea, kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay garoonka Selhurst Park.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here