Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka JFS. Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xaflad sagootin ah u qabtey afar (4) arday oo ku guuleystay deeq waxbarasho ee heerka labaad jamaacada kuwaas oo ka baran doona cilmiga “Dhalan-rogga Dhirta” Jaamacadda Zimbaabwe.
Ardaydan ayaa kasoo gudbtay imtixaan ay galeen waxayna ka kala socdeen Wasaaradda Beeraha Federaal-ka iyo wasaaradaha beeraha ee dowlad goboleedyada dalka ee kala ah Hirshabeelle, Jubaland, iyo Koonfur Galbeed.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor