Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer):-Qaar ka mid ah kaamamka ku yaala duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa soo gaaray barakacayaal cusub oo ka Soo barakacey Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ka dib markii ay Degmada ka dhacey Dagaal u dhaxeeyo beelaha wada dega Degmada iyo Degaanada hoos yimaad.
Dadkaan danyarta ah ee ku soo biirey kaamamka ayaa sheegey in ay yihiin kuwa la soo kulmey daruufo kala duwan taasina sababatey in ay Degmada Baydhabo ka soo doontaan noolol wanagsan iyo goob xasiloon.
Warkan waxaa soo jeedinaysa:Sadio Abddulkadir Yusuf