Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose Xassan Cabdi Xaashi iyo ku xigeenkiisa Mukhtar Maxamed Sahal ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay xafiiska dakhli ururinta ee wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Jubaland ee magaalada Dhoobley.
Dhismaha xafiiskan ayaa waxaa iska kaashanaya hay’addaha bah wadaagta la ah wasaaradda maaliyadda Jubbaland si kor loogu qaado dakhliga soo gala maamulka Jubbaland
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed