Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawladd goboleedka Puntland iyo Maamulka Degmada Xarfo oo tageero ka helaya hay’adda Bisha Cas ayaa Daaweyn iyo Baaris Ku sameeyay Xoolo Ku Sumoobay Baadiyaha Xarfo.
dadkii xoolahooda daawooyinka u helay ayaa u mahad celiyay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo maamulka degmada Xarfo.
Dhankiisa Agaasimaha waaxda Caafimaadka ee wasaaradda Xanaanada xoolaha Puntland Adan Caabi samatar ayaa sheegay ka wasaarad ahaan ay muhimad gaara sinayaan Caafimaada Xoolaha waxaana uu baaq u diray dadka xoola dhaqatada.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdullkadir Nor